Cambaha oo mid ka mid ah khudaarta ugu macaan ee ugu caafimaadka badan, sidoo
kalena wanaagsan tahay in si joogto ah loo cuno, kaasoo ay ka buuxaan nafaqo iyo faytamiinno badan.
Haddaba, daraasado badan oo cambahana laga sameeyey oo qormadeenan ku soo
ururin doono waxa ka mid ah faa’iidooyinka
caafimaad ee cunistiisu qofka u leedahay;
1. Wuxuu wanaajiyaa shaqada hab-dhiska
difaaca cudurrada jidhka: Haddaad
doonayso in aad ka shaqaysiyo hab-dhiska
difaaca cudurrada ee jidhkaaga waxaad
isticmaasha oo aad cuntadaada si joogto ah
ugu darta cambaha.
Cambaha waxa ku badan madooyinka la
yidhaa Carotenoid oo jidhku u beddelo
faytamiin jidhka ka ilaaliya in cudurradu si
fudud ku galaan.
Sidoo kale, Maangaha waxa ku badan
faytamiin C-ga, kaasoo si fiican uga
shaqaysiiya hab-dhiska difaaca jidhka, uuna
saamaxa in cudurrada iyo waxyaabaha
waxyeellada leh ee jidhka dibada kaga
imanaya uu si fiican isaga difaaco.
2. Waxa uu ka difaac u yahay Kansarka:
Cambaha amma mangaha oo uu aad ugu
badan yahay maadada Antioxidant iyo
faytamiinada waxa uu hoos u dhiga sida ay
muujiyeen daraasado badan oo laga
sameeyey khatarta cudurka Kansarka.
Cilmi-baadhisaha lagu sameeyey cambaha
waxay tilmaameen in maadooyinka ka mid
yihiin Astragalin, Quercetin, Gallic Acid,
Isoquercitrin, methylgallat iyo Fisetin oo
cambaha ku jira ay jidhka ka ilaaliyaan in
kansarka ku ku dhaco, gaar ahaan noocyada
mindhicirada, naasaha, qanjidhida iyo kuwa
kale oo badan.
3. Cambuhu wuxuu wanaajiyaa shaqada
maskaxda: Cambaha oo uu ku badan yahay
faytamiin B6 oo daruuri u ah in hab-dhiska
dareenka amma neerfisyadu si fiican u
shaqeeyo, isla markaana maskaxdu qabsato
shaqada ay jidhka u hayso, ayaa haddana
faytamiin B6 waxa uu maskaxda ka
caawiyaa inay gudbiso farriimaha maskaxdu
kala dirto, waxaannu u fiican yahay hurdada.
Waxa kale oo uu ka kooban yahay maadada
Glutamine oo ay ku jirto Amino Acid, taasoo
qofka u saamaxda inuu xasuus
wanaagsanaado.
4. Beerka ayuu Difaacaa: Cunista cambuhu
wuxuu sidoo kale ka qaybqaata in beerka
laga difaaco xannuunnada. Waxyaabaha ku
badan cambaha ee Antioxidants ka mid
yihiin waxay kenaan in beerka ay ka saraan
sunta waxyeellada keenta, waana
waxyaabaha ugu fiican ee caafimaadka
beerka wanaajiya.
5. Waxa uu yareeyaa subagawga: Cambaha
oo leh faa’iidooyin badan oo caafimaad
waxa uu ka qaybqaataa in jidhka qofka uu
hoos uga dhigo subaga ku bata ee keena
beer subagawga iyo in duxdu qofka ku
badato oo xataa wadnaha gaadho, waayo
maangaha waxa ku badan firiga amma
maadada la yidha Pectin oo ka qaybaadata
in hoos loo dhigo duxda. Sidoo kale, waxa uu
yareeyaa xawliga dhiiggu ku socdo ee sababi
kara dhiig-karka. Qodobkaan oo faahfaahsan
kala soco qurbo.net dhawaan insha Allah
6. Waxa uu kantaroolaa miisaanka qofka:
Haddii aad doonayso inaad iska rido miisaan
ku dheeraad ah amma culays, isla markaana
aad rabto in miisaankaaga aad halka uu
taagan yahay ku ilaaliso waa in qofku quuta
khudaarta uu cambuhu ugu horreeyo.
Daraasado tiro badan oo la sameeyey ayaa
lagu helay in quudashada cambaha diirkiisa
lahe u fiican tahay xakamaynta miisaanka
qofka, waxaana la ogaaday in diirka
cambuhu uu unugyadaa keena in qofku
naaxo ka hortagaan, miisaanka qofkana
halkiisa ku ilaaliyo.
7. Waxa uu muhiim u yahay hab-dhiska
dheef-shiidka: Cambuhu waxa uu wanaajiya
in hab-dhiska dheef-shiidku si fiican u
dhaco, waayo waxa ku badan cuntada fiber-
ta ah, taasoo ka qaybqaadata in jidhku iska
saaro sunta iyo hadhaaga caafimaadka u
xun.
Cambaha waxa ku badan macdanta
Potassium-ta la yidhaa, taaso nafaqo badan
leh, qofka oo macdantani ku yaraatana waxa
ku dhaca in dareeraha jidhkiisa ku jira
dheelitirmi wayaan, taasina ay keento calool
istaag (Constipation).

Xabbadda cambaha ah waxa uu ka kooban yahay 560 mg oo Potassium ah, taasoo macnadeedu tahay inuu 16% kafaalo qaadi karo macdanta Potassium ah ee qofku maalin kasta ubaahan yahay.
Cambuhu ma macaana oo kaliya, balse wuxuu leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo tiro badan, waana ku jira nafaqo iyo faytamiino aad u tiro badan, kuwaasoo daruuri u ah in qofka caafimaadkiisu
wanaagsanaado
wanaagsanaado
Post a Comment