Ninkan waa ninkii xasuuqay malaayiin shacabka reer #Somaliland ,

Dhagar-qabe Maxamed Siciid -  MORGAN waa dambiile dagaal oo geystay gumaad aad u baaxad
weyn.

Waxa la isku raacsanyahay oo aan morran badani ka jirrin xasuuqii uu u geystay shacabkii masaakiinta ahaa ee reer Somaliland dabayaaqadii qarnigii lasoo dhaafay.

Waxa kale oo dad badani aaminsanyihiin in iyadana uu
masuul ka ahaa falal waxashnimo ah oo uu geystay waqti uu ka tallin jirray magaalo madaxda Jubbada Hoose ee Kismayo.

La yaab maaha oo aduunka ugub kuma ah in la arko mujrim ummad xasuuqa sida Morgan, oo lagu suntay magaca: The Butcher of Hargeisa.

Reer Somaliland waxa saarran xil weyn. Xilkaasu wuxu ka saaranyahay dadka ku aasan xabaalo wadareedyada ku filiqsan daafaha dalka oo dhan.

Shuhadadaasu waxa ay sugayaan goorta xadhiga xaqqu soo qarqarsiyi doono kuwii iyagoon
waxba galabsan xasuuqay.

Reer Somaliland waxa
la gudboon in dhagar qabe Morgan, iyo kuwa la midka ahba loo hawl galo sidii maxkamad loola
tiigsan lahaa a oo dambigii ay galeen loogu ciqaabi lahaa.

Shacbiga somaliland waa dad masaakiin ah oo loo geystay fal dambeedyadii ugu xumaa ee ka dhacay dunida , hadaba adigu hadaad ninkan aragto maxaad ku xukumi lahayd

Dil toogasho , xabsi daain , silic iyi walbahaar inuu ku noolaado , inaad gawracdo , midkee ayaad ku xukumi lahayd muwaadin

Post a Comment

 
Top