Guud ahaan walaaca iyo werwerka ( Stress-ka ) waxa loo qaybiyaa sadex qaybood oo waawayn oo kala ah:-

1. Mid aynaan awood u lahayn in aynu xukumi karno sida qof aad jeceshahay oo aad waydo, shaqada oo lagaa eryo iyo caqabado caafimaad oo kaa horyimaada.
2. Mid dabiici ah ( Natural ) sida dareenka qofka iyo fikirkiisa uu u cadaadiyo si uu u gaadho ujeedooyin.

3. Mid aynu xukumi karno ama aynu awood u leenahay in aanu wax saamayn ah inagu yeelan sida ballan aad ka dib dhacday, xidhiidhka qof idinka dhexeeyay oo xumaada, ama khaladaad aan waynayn oo aad ku kacday ama lagu gaystay adiga.
Markaynu aqoonsanay ee anynu baranay waxyaalaha abuura werwerka iyo walaalca ( stress ) waxay inoo saamaxaysaa in aynu khibrad u yeelano sidii aynu uga hortegi lahayn ama aynu u yarayn lahayn waxyeeladiisa.
Hadaba waxa jira 20 siyaabood oo lagula dagaalamo ama lagula tacaalo oo xakamayn kara Werwerka iyo Walaaca. Waxaanay kala yihiin sidan:
1. Ku dedaal cibaadada ( ALLAAH SWT ) oo talo saaro markasta iyo marxalad kasta isaga oo kaliya. Waana ta ugu muhimsan.
2. Ka fogaw qofka xaalad abuurka ama 'problem creator-ka ah ee kuu horseedi kara werwerka. Hadii qofkaasi uu yahay qof aanad xidhiidhka u goyn karayn waa in aad xaddido ama soo koobto wakhtiga aad siinayso in aad agtiisa joogto.
3. Ka fogow mawduucyada xumaha iyo xamaasadda leh kuwaas oo sabibi kara dhiig-kar ( blood pressure to rise) oo ah inuu cadaadiska dhiigaagu kor u kaco.

4. U feker sida Toggan ( Positive thinking) waayo sida aad u fekertaa waxay ku saamaynaysaa shucuurtaada, dareen ahaan iyo jidh ahaanba.
5. Dhib kasta oo ku soo food saara xal u raadi inta uu cusubyahay ama aanu kugu ballaadhan oo aanu xalkiisu adkaan.
6. Dareen kaaga qeex lana wadaag asxaabtaada ama lamaanahaaga hadii aad wada noolshihiin. Waayo markasta oo aad dareenkaaga aad qof u sheegto nefis baad dareemaysaa.
7. Qorshe u samee nolol maalmeedkaaga wakhtiyeed. Waayo tani waxay kuu samaxaysaa in aanad la kulmin werwerka iyo walaaca.
8. Jooji wahsiga ( Procrastination) waayo wahsiga badani waa qayb ka mid ah waxyaalaha horseeda werwerka.
9. Ha aqbalin ama ha ogolaan in aad werwerto. Tusaale ahaan hadii ay caqabado yar-yar kaa hor yimaadaan in aad ku guulaysato hawl aad ku guda jirto waxaad naftaada ku dhiiri galisaa in aad 100% aad ku guulaysan karto.
10. Ku dhaqan in aad dadka saamaxdo ( forgiveness ) khaladka dadku kaa galaan waxa caafimaadkaaga iyo diin ahaanba u wanaagsan in aad saamaxdo.
11. Iska ilaali in aad dib u xasuusato dhacdooyin kugu dhacay oo murugo leh waayo taasi waxay kuu keeni kartaa in aad ka murugooto kana werwertid wakhtiguna kaaga lumo dhacdo sanado ka hor dhacday oo aan dib u soo noqonayn.
12. Dadaal badan ha ku bixin in aad wax kasta heerka u sareeya ka gaadho. Waayo taasi culays badan bay naftaada saaraysaa.
13. Noqo qof kaftanka, ilka cadaynta iyo qosolka kula dagaalama werwerka ( stress-ka ).
14. Jimicsiga joogtada ah ee jidhka ( Regular exercise ) waxaa kaaga filan in aad halkii asbuucba ( Per week ) 30 daqiiqo siiso wakhti aad jimicsato.
15. Cuntada nafaqada leh iyo cabitaanka, sharaabka badso markaa jidhkaagu wuxu awood u yeelanayaa in aanu werwerku ( stress-ku ) saamayn wayn kugu yeelan.
16. Waa in aad helsho hurdo kugu filan gaar ahaan habeenkii illaa 8 saacadood.
17. Ha ka ficil celin arrin kasta balse waa in aad ka jaaw bixisid.
18. Ha ku cadaadin naftaada in aad joojiso wax aan la joojin karin( Uncontrollable ).
19. Mahad celi mar kasta oo aad umahad celiso cidda kuugu mudan (ALLAAH SWT) waxaad helaysaa degenaansho badan, waxay kuu sahlaysaa in aad dadka raali geliso una mahad naqdid marka aad dadka raali gelisona iyana way ku raali gelinayaan.
20. Ku xidhnow ama la saaxiib dadka dhiirigalinta badan ee niyadda wanaagsan.
Dhamaan qodobadan hadaad ku dhaqanto waxa hubaal ah in aad noloshaada ku guulaysato oo aad farxad ku noolaato, islamarkaana waxaad ku guulaysanaysaa in aad farxad kula noolaato qofka aad jeceshahay hadaad la nooshahay iyo hadii aanad la noolaynba, Ehelkaaga, asxaabtaada iyo dadka kaloo dhan.
Waxaan kugu dhiiri galinayaa in aad ku dedaasho in aad naftaada ka badbaadiso Cadaabta ALLAAH iyo ciqaabka aduun oo aad if iyo aakhiroba farxad iyo barwaaqo ku noolaato. Inshaa Allaah.

Guntii iyo gabagabadii 20 ( Labaatanka ) qodob ee aan kor ku xusnay waxay si qoto dheer uga hadlayaan sidii aynu ugu hor tegi lahayn werwerka ( stress-ka ). Qodobadan oo intooda badan aanu ka soo xiganay cilmibaadhisyo hore loo sameeyay oo aanay ahayn kuwo aan maskaxdayda oo kaliya ka keenay waxaan ka ahayn tarjumadooda iyo wakhtisiintoodii.
Ujeedada aanu u soo qorayna waxa weeye si aan walaalahayga Af-Somaliga ku hadla ee wax akhriska neceb aan ugu soo koobno oo intii karaan kayga ah aanu tusno qaab kale ( New approach) si ay noloshooda farxad ugu noolaadaan ugana dabaashaan mawjadaha waawayn ee waayaha aduunka gaar ahaaneed iyo guud ahaanba.
Aniga oo ogsoon in dadka mawduucan akhrisanayaa ay iiga aqoon badan yihiin nolosha igana waayo aragsan yihiin hadana waxaan jeclaystay anigoo ixtiraama in aan ku baraarujiyo, waxaanan kalsooni ku qabaa in ay awood ul eeyihiin ku dhaqanka iyo fulinta qodobadaas oo dhan. Mahadsanid.

By Ahmed Abdi-aziz Haji Mohamed (Abwaan Ahmed Zakiir)

Post a Comment

 
Top