Mar haddii ay taasi tahay xaqiiqada dhabta ah ee aan indhaha
laga qarsan karin oo uu qof waliba qirsan yahay Ilaahay (swt) in uu
yahay gargaaraheenna koowaad oo aanay jirin cid aynu ku labaynaynaa waxa
mudan oo lagama maarmaan ah in aynu ilaalino oo adkayno xidhiidhka
innaga dhexeeya innaga iyo Ilaahay (swt). By; Ilaahay(swt) ayaa mahad oo dhan iska leh isaga ayaa ah gargaaraha dhabta ah ee banii aadamka oo dhan.
Mar haddii ay taasi tahay xaqiiqada dhabta ah ee aan indhaha laga qarsan karin oo uu qof waliba qirsan yahay ilaahay(swt) in uu yahay gargaaraheenna koowaad oo aanay jirin cid aynu ku labaynaynaa waxa mudan oo lagama maarmaan ah in aynu ilaalino oo adkayno xidhiidhka innaga dhexeeya innaga iyo ilaahay(swt).
Waxaana is weydiin mudan su’aasha ah sidee ayaa aynu u adkaynaynaa xidhiidhka ka dhexeeya innaga iyo ilaahay(swt)?
Jawaabta suaashaasi waxay u muuqataa mid la wada garanyo balse aynu is xasuusino arrimo xidhiidhka ilaahay(swt) aad ku xejisan karto:
a. Salaadda: Xidhiidhkaaga aad ilaahay la leedahay(swt) waxaad ku xejisan kartaa saaxiib inaad salaadda ilaaliso, markasta oo aad oogto shanta salaadood ee faralka ah iyo sunnayaashooda waxaad adkaysay xidhiidhkaaga aad ilaahay(swt) la leedahay.sida uu rasuulkeenii muxamed NNKH uu yidhi “xidhiidhiidhka addoonka iyo rabigii u dhaxeeyaa waa salaada” waana dardaarankii u danbeeyay ee nabigu NNKH uu inagaga tagay isagoo leh “a salaah asalaah wamaa malakat aymaanukum” taasoo macnaheedu yahay “waar ogaada salaada waar ogaada salaada iyo waxay gacmihiinu hantiyeen”.
b. U mahad celi ilaahay: ilaahay(swt) nimcooyinka uu ku siiyey ma soo koobi kartid walaal haddaba xidhiidhka aad la leedahay ilaahay(swt) waxaad ku xejin kartaa markasta oo uu ku siiyo nimco ka mid ah nimcooyinkiisa inaad hadal iyo xubnaba ugu mahad celisid oo aadna hilmaamin rabbi(swt).sida uu quraanka rabbi inoogu sheegay aayad macnaheedu yahay “ Hadaad ii shugri naqdaan ama aad I mahadisaan waan idiin kordhinayaa nimcadayda” sidoo kale rabbi waxa uu quraanka ku tilmaamay inyar oo addoomadiisa kamidi inay u shukri naqaan markaa walaalkayga ama walaashayda muslimka ahaw ka mid noqo dadka tirada yare e ilaahay swt ku arsaaqay inay u mahad celiyaan,
c. Raac amarka ilaahay: Xidhiidhkaaga aad ilaahay(swt) la leedahay waxaad ku xejisan kartaa walaal in ilaahay(swt) wuxuu rabbi ina amrayaa inaynu ku toosnaano oo u raacno awaamirtiisa sidii uu ina faray”wuxuu kugu amray aad sameyso oo aanad dayn, wixii ilaahay(swt) kuu diiday ee uu kaa reebayna ka joogsato oo aad xasuusato in ilaahay(swt) ku arkayo oo aan rabbi waxba ka qarsoonayn.xs.
d. Sameyso saaxiib: xidhiidhka aad ilaahay(swt) la leedahay waxaad ku xejin kartaa inaad leedahay saaxiib ku toosiya oo xaqa kuu sheega markaad garab martid, kuguna ammaana marka uu kaa arko wax ilaahay raali galinaya, saaxiib waa inaad xulataa shakhsi kaa dhisa dhinaca ruuxiga ah ee diinteenna suubban.nabigeenu NNKH waxa uu inoo sheegay in qofku la diinyahay saaxiibkii “.
Walaal saaxiibkaa yuu noqon kii rabbi kutilmaamay inuu maalinka qiyaame ka murugoon doono saaxiibkiisii aduunyada, fartana uu dhexda ka qaniinayo isagoo leh “Alla hoogaygee maxaan hebel saaxiib u ga dhigtay waxuu iga lumiyay xuskii alle kadib markuu isoo gaadhay ”.
e. Raadi aqoonta: markasta oo ay aqooni kuu korodho waxa badanaysa aqoonta aad u leedahay ilaahay(swt) waxaa quraanku inoo sheegayaa “in rabbi ay ka cabsadaan oo kaliya kuwa cilmiga leh” oo looga jeedo cidda garashada iyo aqoonta saxda ah u leh,walaal xasuuso nabiyulaahi muusa calayhi salaam isagoo ah kaliimu laah oo hadalkii iyo waxyigii ilaahay ku socdo ayaa markii loo sheegay inuu jiro addoon ka cilmi badan (khadir) uu baadi doon u galayay si cilmi iyo aqoon uga soo korodhsado. Markaas raadi aqoonta laga soo bilaabo yaraantaada illaa inta aad godka ka galaysid taas oo keenaysa in aad ku xidhnaatid ilaahay(swt) waayo isku mid ma aha oo ma sinna qof aqoon leh iyo qof aan aqoon lahayn oo jaahil ah.
Guntii iyo gebagabdii walaal waxa mudan oo aan indhaha laga qarsan Karin sida uu ilaahay(swt) inooga mudan yahay inaynu caabudno oo adeecno, arrintaasina waxay ku suurto gelaysaa waa inaynu adkayno oo xoojino xidhiidhka ilaahay(swt)iyo innaga inaga dhexeeya. Waxaan ku soo xidhayaa qormadaydan kooban “Rabbi ha inaga dhigo kuwa hadalka maqla ee raaca kiisa wanaagsan”.
Shaafici Cabdiraxmaan Suudi
Burco,Somaliland.
suudi02@gmail.com
Post a Comment